Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Isbaheysiga oo fuliyay weeraro ay ku dhinteen tobanaan Xuutiyiin ah.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Isbaheysiga oo fuliyay weeraro ay ku dhinteen tobanaan Xuutiyiin ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiya ee ka dagaalama gudaha Yeman ayaa bilaabay howlgalo habeenkii ah oo lagu bar tilmaameed sanayay goobaha kooxda Xuutiyiinta ay ka deganyahiin caasimada Yemen ee Sanca.

Qaraxyo ayaa la maqlay ka dib markii qeybo ka mid ah Magaalada Ma’rib,  lagu weeraray Gantaalo dhawr ah intii ay socdeen dagaalo halkaasi ay ku qadeen ciidamada isbaheysiga.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Ilo wareedya ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka isbahaysiga ay beegsadeen xalay xilli dambe xerada Al Sawaad ee degmada Sanxaan oo ku taallo koonfurta magaalada Sanca.

Warbaahinta Yeman ayaa soo warisay in duqeyn kale oo cirka ah lala beegsaday beero ku yaalo aagga degaanka Saraf ee bariga Sanca, iyada oo aan la sheegin in duqeymahaasi ay ka dhasheen qasaaro.

Dhinaca kale ilo maxalli ah oo ku sugan magaalada Marib ayaa soo wariyay in qaraxyo dhawr ah laga maqlay kadib markii gantaal lagu garaacay gooba ay ku sugnayeen Xuutiyiinta, iyada oo gawaarida gurmadka degdegga ah  ay wali ku sii qulqulayaan goobta ay ka dhaceen Duqeymaha.

Ciidamada Isbaheysiga ayaa sheegay in  tiro ka badan 35 Xuutiyiin ah ay dileen kadib dagaal ka dhacday degaanka Al Jufra iyo buuraha Salab ee dhaca waqooyga galbeed ee Ma’rib.

Duqeeymahan oo ay fuliyeen Ciidamada isbahaysiga ee uu hogaanka u haya Sacuudiga ayaa imanaya maalmo kadib markii Xuutiyiinta ay ku dhawaaqeen inay diyaarado Drones ah ay u dirayaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Abha oo dhaca Koonfurta Sacuudiga, si ay halkaasi duqeeymo ugu geystaan.

Previous Post

Qurba-joogta Jabuuti oo mashaariic horumarineed ka fulinaysa dalkooda

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo baaq u diray Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir oo baaq u diray Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir oo baaq u diray Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In