Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgallo lagu cirib-tirayo Khawaarijta ka sameeyay deegaanno hoostaga magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa dhaca deegaanka Towfiiq.
Abaanduullaha ururka 7-aad ee guutada 18-aad ee kumaandooska Gorgor oo hogaaminayay howlka ayaa sheegay in la burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahaayeen howdka u dhaxeeya Galcad iyo Towfiiq, wuxuna xaqiijiyay Malayshiyaadkii deegaankaas ku sugnaa inay kala firxadeen.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.