Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada maamulka Galmudug oo si buuxda ula wareegay degmada Cabuudwaaq “Dhageyso wareysi”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Duqii degmada Afgooye oo Miino loo aasay u geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamul goboleedka Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud,  kaddib dagaal shalay iyo maanta halkaasi ku dhexmaray ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee maamul goboleedka Galmudug Cabdi ladiif Cabdulaahi Warsame oo wareysi siiyay Radio Muqdisho isagoo ku sugan degmada Cabuudwaaq ayaa sheegay in ciidamada maamulka Galmudug ay ka saareen magaaladaasi maleeshiyaadkii Ahlusunna, isagoo intaa raaciyay in ay ciidamadu xaqiijinayaan ammaanka magaaladaasi.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Wasiirka ayaa xusay in dadweynaha ku nool magaalaadaasi ay isugu soo baxeen waddooyinka magaaladaasi, kuwaas oo sida uu tilmaamay taageerayay howlgalka ay ciidamada maamulka Galmudug uga saareen magaaladaasi maleeshiyaadkii Ahlusunna.

Dagaallada ka dhacay magaalada Cabuudwaaq ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday Sideed ruux oo rayid ah halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaqan magaalada Cabuudwaaq ayaa la sheegay iney isaga carareen guryahoodi iyagoo u barakacay duleeddada magaaladaasi.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/09/Wareysi-WASIIRKA-GANACSIFGA-IYO-WARSHADAHA-GALMUDUG-CABDI-LADHIIF-CABDULAAHI-WARSAME-ok.mp3
Previous Post

Dowladda Federaalka oo dalbatay in la joojiyo dagaalka Cabuudwaaq

Next Post

Wasaaradda Ganacsiga oo hoos u dhigtay qiimaha Shatiga Ganacsiga-SAWIRRO

Next Post
Wasaaradda Ganacsiga oo hoos u dhigtay qiimaha Shatiga Ganacsiga-SAWIRRO

Wasaaradda Ganacsiga oo hoos u dhigtay qiimaha Shatiga Ganacsiga-SAWIRRO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In