Ciidamada Xoogga iyo kuwa Boliiska Dalka Masar howl-gallo ka dhacay Gobolka Siinaay waxay ku dileen 19 ka tirsan Malleeshiyaad mintidiin ah oo ka soo horjeeda Dowladda uu hoggaamiyo Cabdi Fitaax Al-siisii, iyagoo xabsiga u taxaabay 20 kale oo looga shakiyay inay ku lu lahaayeen iska hor imaadyo ka dhacay Gobolka Siinaay.
Ciidamada ammaanka Dalka Masar ayaa tan iyo Bishii February waxay howl-gallo ka wadeen qaybo ka mid ah Gobolka Siinaay, halkaas oo ay ku sugan yihiin Kooxo ku xiran Daacish iyo Al-qaacidda, iyagoo siyaabo kala duwan ku dilay Boqolaal ka tirsan Ciidamada iyo Rayid halkaasi deggenaa muddo dheer.
Tan iyo markii uu meesha ka baxay Madaxweynihii hore ee Dalka Masar Maxamed Mursi Sanaddii 2013 waxaa soo kordhayay shaqaaqooyinka hubeysan ee ay samaynayaan Kooxaha taabacsan xisbigii la mamnuucay ee Iqwaanu Muslimiinka iyo Islaamiyiin ka madax bannaan, kuwaasoo mararka qaarkood weerarro iyo qaraxyo la beegsada Ciidamada iyo Madaxda Dalkaasi.