Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Nabad ilaalinta Q. M. oo loo fasaxay in ay is difaaci karaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Nabad ilaalinta Q. M. oo loo fasaxay in ay is difaaci karaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa Ciidamadeeda nabad ilaalinta ee ka howlgalaya qaar ka mid ah goobaha ugu khatarta badan ee Dunida oo  dagaaladu ay aafeeyeen ayaa loogu baaqay in ay diyaar u noqdaan isla markaana ay awood isticmaalaan si ay isu difaacaan haddii ay halis dareemaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Antonio Gutters Warbixin cusub oo loo gudbiyay ayaa  lagu sheegay in 56 ka mid ah ciidamada Qaramada Midoobay la dilay sanadkii tagay ee 2017,taasi oo ka dhigan in Tan iyo sanadkii 2013, 195 ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ay ku dhintay weerarro lagu soo qaaday xarumaha ay kaga sugan yihiin wadamada Caalamka.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Waxaa la sheegay in Tiradaasi dhimashada ay tahay tii ugu badneyd abid ee Qaramada Midoobay soo marta muddo intaa dhan,waxaana ugu badan wadamada xasaraduhu ay kajiraan sida Qaaradad Afrika.

Warbixintan oo ay diyaariyeen khubaro dhanka ammaanka ah ayaa lagu sheegay in hadda la joogo xilligii ay nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay ka hortagi lahaayeen weerarrada ka dhanka ah.

Khubarada ayaa ku doodaya in calanka Qaramada Midoobay aan sidii hore loo xurmeyn, askarta nabad ilaalintana looga baahan yahay inay ka hortagaan khatarta kusoo wajahan ayagoo adeegsana awood haddii loo baahdo.

Sidoo kale warbixintaasi ayaa lagu sheegay in Howlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ay ka waddo qaaradda Afrika ay yihiin kuwa ugu dhimashada badan, warbixintuna waxa ay sheegaysaa in khasaarahaasi laga hortagi karo haddii ciidamada la siiyo tababar ku filan ka hor inta aan loo dirin nabad ilaalinta

Previous Post

Dowladda F. Soomaaliya oo Cambaaraysay Carqaladaynta Amniga ee marin badeedka Badda Cas

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in Cadaado ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In