Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidammada oo howl-gal dad lagu qabtay ka sameeyay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammo isku-dhaf ah oo ka kooban Booliis, Nabad-sugid iyo milatari ayaa howl-gal dad lagu soo qabtay ka fuliyay degaanno ka tirsan Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose.

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayay ciidamadu ka bilaabeen howl-galka, ayagoo lug ku maray dhul baadiye ah oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, Ciidamada ayaa baaritaankooda gaarsiiyay Carbiska, Lafoole iyo Ceelasha Biyaha oo ka wada tirsan Shabeelaha Hoose.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in howl-gallada lagu soo qabtay 7 qof oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin ama ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay baaritaan ku wadaan ciidammadu.

“Howl-galkaan wuxuu ahaa howl-gal lagu soo maray degaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, Laga billlaabo degmada Kaxda ilaa Carbiska, Lafoole iyo Ceelasha Biyaha, waxaa la maray dhul “Keymo” ah” ayuu yiri Maxamed Yuusuf

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadu ay gobollada kale ka fulin doonaan howl-gallo sidaan oo kale ah si maleeshiyaadka nabadda diiddan loogu tago fadhiyadooda iyo halka ay iska soo abaabulaan. Sidoo kale waxaa si joogto ah u socda howl-gallada ka soconaya gudaha magaalada Muqdisho.

Previous Post

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Muqdisho Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey “VIDEO”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In