Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidammada oo howl-gal dad lagu qabtay ka sameeyay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammo isku-dhaf ah oo ka kooban Booliis, Nabad-sugid iyo milatari ayaa howl-gal dad lagu soo qabtay ka fuliyay degaanno ka tirsan Muqdisho iyo Shabeelaha Hoose.

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayay ciidamadu ka bilaabeen howl-galka, ayagoo lug ku maray dhul baadiye ah oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, Ciidamada ayaa baaritaankooda gaarsiiyay Carbiska, Lafoole iyo Ceelasha Biyaha oo ka wada tirsan Shabeelaha Hoose.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in howl-gallada lagu soo qabtay 7 qof oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin ama ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay baaritaan ku wadaan ciidammadu.

“Howl-galkaan wuxuu ahaa howl-gal lagu soo maray degaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, Laga billlaabo degmada Kaxda ilaa Carbiska, Lafoole iyo Ceelasha Biyaha, waxaa la maray dhul “Keymo” ah” ayuu yiri Maxamed Yuusuf

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadu ay gobollada kale ka fulin doonaan howl-gallo sidaan oo kale ah si maleeshiyaadka nabadda diiddan loogu tago fadhiyadooda iyo halka ay iska soo abaabulaan. Sidoo kale waxaa si joogto ah u socda howl-gallada ka soconaya gudaha magaalada Muqdisho.

Previous Post

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Muqdisho Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey “VIDEO”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In