Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada X.D oo la wareegay tuulo hoostagta degmada Baraawe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyed oo  kaa shanaya kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka sameeyeen duleedka degmada Baraawe ay kula wareegeen deegaanno ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee Maamulka Koonfurgalbeed ee Somaaliya Maxamed Caseyr oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in tuulo 7 kiilo mitir u jirta dhanka Koonfur ka xigta magaalada Baraawe ay la wareegeen ciidanka dowladda oo kashaaya kuwa AMISOM, kadib howlgallo ay halkaasi ka sameeyeen.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

“Sida aad ogtahay, howlgaladu in muddo ah ayuu socday, meel todobo km u jirta magaalada Baraawe ayay ciidamada kula wareegeen deegaanno ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, runtii cidanka ayaa iminka ku sugan deegaanka laga eryay Al-Shabaab, xaaladduna way degantahay” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray inay ciidanku ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ay jiraan tababaro la siiyay ciidamada maamulka Koonfurgalbeed si ay gacan uga geystaan dib u xoreynta deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan haraadiga Al-Shabaab.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo War Saxaafadeed ka soo saaray Colaadda Gaalkacyo ka taagan

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo War Saxaafadeed ka soo saaray Colaadda Gaalkacyo ka taagan

Madaxweynaha Puntland oo War Saxaafadeed ka soo saaray Colaadda Gaalkacyo ka taagan

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In