Ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgallo qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Gobolka Bari halkaas oo ay ku dhuumaalaystaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Howlgalladan oo ka dhacay buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad ayaa lagu burburiyay fariisimo uu keyd badan u yiillay Al-shabaab.
Howlgalada ayaa ah kuwa weli ka socda Buuraleyda Gobolka Bari, iyadoo ay Ciidamadu sii baacsanayaan kooxihii halkaasi ka baxsaday ee Argagixisada Al-shabaab.