Ciidamada booliska qaybta gobolka banaadir iyo ciidamada sida gaarka u tababaran ee RRT booliska ย ayaa habeenimadii xalay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyey isgosyada magaalada Muqdisho, taasi loogu talagalayย in bulshada caasimadda si nabad gelyo ah ku soomaan .
Ciidamada ayaa gawaarida yar yar waydiinaaya wax aqoonsi ah in haystaan ย kadibna sii daynayeen , walow gawaarida BL-kaย iyo Mootada Bajaajka dadka saaran ciidanka dajinayeen si baaritaano u maraan kadibna ku noqonayeenย halkii markii hore kasoo dageen .
Baaritaankaan ayaa ka duwanaa baaritaanadii horeย maadaama ciidamada hore u baarayeen kaliya gawaarida yar yarย balse xalay ayaa la arkaye ciidamada oo baaraya, misna aqoonsi waydiinaya gawaarida Soomaalida u taqaan Qooqanta ciidamo saran .
Inta howl-galka socday ayaa ciidamada waxa gawaarida wateen ka dajiyeenย shaqsiyaad ka shakiyeen bal inay katirsan yihiin kooxaha amaanka kasoo horjeeda, baaritaan kadib siidaayen kadib markii la aqoonsaday .
Taliyaha qaybta booliska gobolka banaadir Gashaanle Sarre Bishaar Abshir Geeddi oo u waramaaye Warbaahinta ayaa sheegay in arintaan qayb katahay sarre uqaadida ammaanka caasimadda.
โRuntii caawa waxaan howlgallo kasameynay Caasimadda Soomaaliya Muqdisho,ย Qaybo ka mid ah oo lagu sugayo arrimaha amniga gobolka banaadir,ย Howshaasi waxaa ka qayb qaatay ciidamada booliska qaybta guud iyo ciidanka sida gaarka ahย u tababaran ee loo yaqaan RRTย oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, howlgalkaasi waxa bilowday habeenkii ugu horeysay Ramadan , siย is daba joog ah ayuu u soconayaa baaritaanka, iyadoo lagu xaqiijinayo amniga gobolka ilaa 30ka bisha Ramadan soconayaa, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu soomaan uguna afuraan soonka uguna ciidan amni buuxda iyagoo haystaโ ayuu yiri taliyaha qaybta booliska gobolka banaadir gashanle sarreย bishaar abshir geedi.
Taliyaha qaybta ayaa ka cosaday ย bulshada gobolka banaadirย in nabadda u istaagaan, ciidamada booliskuna la shaqeeyaan , taasi oo keeni karta in kuwa nabadda kasoo horjeeda in ku hungoobaan ficilada xun xun ay sameynayaan ,ย booliskuna waxa u taagan yahay sarre u qaadida ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ayna soo laaban doonto nabadgalyada iyo kala dambeenta caasimada dalka .
Howlgalkaan ayaa socday ilaamaa xalay saqdii dhaxe .

































