Ciidamada oo ka soo dhaqaaqay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa gaaray deegaano ay horay u maamulayeen dhagarqabayaasha Al-shabaab oo uu kamid yahay deegaan lagu magacaabo Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose iyo dhul badan oo Miyi ah.
Saraakiisha hogaamineysa Ciidanka Xoogga iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay, in ay ku sii wajahan yihiin deegaanoย hor leh oo loogu sheegay in ay ku suganyihiin maleeshiyaadka naflacaariga Alshabaab.
Saraakiisha ayaa sheegay in deegaanadii ay Saakay gaareen oo horay ay ugu sugnaayeen dhagar qabayaasha Alshabaab aysan kala kulmin wax iska caabin ah, si fududna ay ula wareegeen, taaso cadeyn u ah in argagixisada ay soo wajahday baqdin uga imaaneysa Ciidamada qalabka sida, iyagoo sheegay in bishaan Ramadaan gudeheeda Al-shabaab ay ka saarayaan deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka Jubbada Hoose.