Wednesday, June 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada xoogga dalka oo bur buriyay fariisimo ay argagixisadu ku lahayd Gobolka Shabeelah Hoose

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka oo bur buriyay fariisimo ay argagixisadu ku lahayd Gobolka Shabeelah Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan oo ciidamadu ku qaadeen goob ay isku soo abaabuljireen maleeshiyadka Al-Shabaab ayaa waxa u ka dhacay deegaanka Leego oo qiyaastii 44km dhanka woqooyi kaga beegan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Hawlgalkan waxa si wada jira u fuliyey ururka 4aad ee guutada 16 aad ee kumandooska Danab iyo Ururka 64aad ee Guutada 7aad Qaybta 60aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana lagu burburiyay fariisimo dhowr ah oo ay maleeshiyada lacago baad ah kaga qaadan jireen dadka shacabka ah ee ku nool deegaankaasi iyo gaadiidka dadweynaha ee isticmaala waddada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026

Intii uu Howlgalka ciidanka socday waxa ay gacanta ku dhigeen mootooyin ay Nabadiidka Al-Shabaab u isticmaali jireen miinoyinka sida uu kusoo waramayo Wariyaha Idaacadda codka Ciidamada Qalabka sida Maxamed Cabdulaahi Shilaawe oo howlgalka qeyb ka ah.

Ciidamada ayaa markii ay burburiyeen fariisimahaasi waxa ay bilaabeen baaritaanno joogto ah oo lagu xasilinayo ammaanka Degmooyinka iyo Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, isla markaana ay baadi goob ku hayaan xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wada howlgallo kala duwan oo lagu cirib tirayo kooxda nabadiidka Al-Shabaab oo deegaanno iyo degmooyin faro ku tiris ah kaga dhuumaaleysanaya Gobolka Shabeellaha Hoose.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay shuruuc muhiim ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
0

Muqdisho, 23 June, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag iyo taageero buuxda u muujineysaa Dowladda...

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

June 23, 2026
0

Muqdisho, June 23, 2026: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa Isfahamka iyo Is afgaradka (Memorandum of Understanding) ee u dhexmaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In