Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta ku dilay Degmada Ceeldheer

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo soo xiray kulan looga hadlayay horumarinta Wakaaladda Filimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Ceeldheer lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidamadda dowladda oo ay wehliyaan ciidamadda deegaanka oo haystay xog ay la so wadageen Bulshada ku nool degmada Ceeldheer ayaa fuliyay holwgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda cadawga ah ee khawaarijta, iyaga oo gacanta ku dhigay horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu magacaabo Cabaas Garoobshe.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026

Sidoo kale Ciidanka deegaanka ayaa nafta dhaafiyey dhagar qabe magaciisa lagu soo gaabshay ilkacase kaas oo in badan bulshada  ay ku sheegeen in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray Shacabka.

“Geesiyaasha Bariga Galguduud waxa ay Maanta ka hawlgaleen gudaha Ceeldheer, Horjoogayaal halkaas joogay qaar waa dileen, kuwo nolasha ayay ku soo qabteen kuwana waa dhaawac, Dhul ninkiisa ayaa leh! Guulaysta, Alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari nuuca Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen khawaarijta howlgalka guulaystay lagu qaaday.

Howlgalkaan guulaystay ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Gobolka Galgaduud.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay guddoonka Aqalka Sare BJFS

Next Post

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Next Post
R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

R/W Xamsa "Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

April 1, 2026
0

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In