Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta ku dilay Degmada Ceeldheer

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo soo xiray kulan looga hadlayay horumarinta Wakaaladda Filimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Ceeldheer lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidamadda dowladda oo ay wehliyaan ciidamadda deegaanka oo haystay xog ay la so wadageen Bulshada ku nool degmada Ceeldheer ayaa fuliyay holwgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda cadawga ah ee khawaarijta, iyaga oo gacanta ku dhigay horjooge si weyn looga yaqaanay deegaanka kaas oo lagu magacaabo Cabaas Garoobshe.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Sidoo kale Ciidanka deegaanka ayaa nafta dhaafiyey dhagar qabe magaciisa lagu soo gaabshay ilkacase kaas oo in badan bulshada  ay ku sheegeen in uu ahaa shaqsi aad dhibaato ugu gaysan jiray Shacabka.

“Geesiyaasha Bariga Galguduud waxa ay Maanta ka hawlgaleen gudaha Ceeldheer, Horjoogayaal halkaas joogay qaar waa dileen, kuwo nolasha ayay ku soo qabteen kuwana waa dhaawac, Dhul ninkiisa ayaa leh! Guulaysta, Alle ayaa mahadsan” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari nuuca Soomaalida u taqaan Leyla Calaawi oo ay adeegsanayeen khawaarijta howlgalka guulaystay lagu qaaday.

Howlgalkaan guulaystay ayaa ka mid ah dhowr howlgal oo ciidanka deegaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmooyinka Gobolka Galgaduud.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay guddoonka Aqalka Sare BJFS

Next Post

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Next Post
R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

R/W Xamsa "Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In