Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska DANAB oo ay wehlinayaan Ciidanka daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland, ka fuliyeen deagaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa sigaar ah howlgalkan uga fuliyay degaannada Hiloshiid, Janay Cabdale, Kubokibir, iyo deegaanka Canjeel, halkaas oo la sheegay inay mararka qaar si dhumaleeysi ay ku tegi jireen Xubno ka tirsan Malleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dadka Shacabka ah halkaas ku dhibaateyn jiray.