Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalantii 2-aad gurmad ugu sameynaya shacabka ay saameeyeen roobabkii ka da’ay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Gaadiidka waaweyn ee Ciidamada ayaa dadka jilicsan ka daad-gureeyay goobaha biyuhu ku rogmadeen ee Magaalada, waxaana muuqanaya saameynta xooggan ee roobku ku yeeshay magaalada Baydhabo oo xaafado badan biyuhu fariisteen.
Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha ay sida xooggan u saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.