Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga oo ka hortegay weerar ay Khawaarijtu ku qaaday Sabiib iyo Caanoole

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa saaka aroortii abbaaraha 6:20 subaxnimo si geesinimo leh uga hortegay weerar ay Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Qaranka oo ku jiray heegan buuxa iyo feejignaan sare ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay fashiliyaan damaca maleeshiyaadka argagixisada ah iyo isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa laoga dilay 18 ka mid ah kooxda Khawaarijta,a iyadoo ay socdaan weli howlgallo lagu baacsanayo haraadoga maleeshiyaadkaas.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku shahiiday dagaalka, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen todoba kale. Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa geesinimada iyo dhabar adayga ay ka muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed Fagaaraha dagaalka, kuwaas oo difaacay shacabka, kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii cadawga.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa kaalinta ay maanta ku lahaayeen saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cirka duqaymo Dhaawac xooggan u gaystay khawaarijta sameeyay.

Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga dalka oo dhan, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh.

Previous Post

Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Warshadaha Difaaca Azerbaijan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In