Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga oo la wareegay Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Xoogga  oo la wareegay Deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka weerar qorsheysan waxay kula wareegeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Walnlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose, sida Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uu u Xaqiijiyay Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cumar Aadan Xasan.

Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo qaar ka mid ah Maleeshiyada Al shabaab ee halkaasi ku sugnaa ay carareen ka dib khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay, waxaana ciidamada si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku nool deegaankaasi oo sheegay in dhibaato ay ku hayeen nabad diidka Al shabaab, isagoo dhanka kale sheegay in howlgalka uu socdo lagana yaabo in Tiro ka mid Argagaxisada Al shabaab gacanta lagu dhigo

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka waxay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose khasaaro xoogan ayaa la gaarsiiyay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, deegaanka waxaa ku sugan Ciidamada Qaranka, hada kuma sheegi karo Tirada Al shabaab ee la qabtay maadaama howlgalka goordhow lasoo afjaray, Goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa Tirada nabad diidka gacanta looga dhigay iyo guud ahaan khasaaraha la gaarsiiyay”ayuu yiri Jeneraal Cumar Aadan Xasan

Taliyaha ayaa amaanay doorka shacabka ay ku leeyihiin Howlgalada Al shabaab lagu ciribtirayo, isagoo xusay inay u soo gudbinayaan xogta cadowga oo meel kasta oo lagu weeraro ka cararaya laakiin xogta shacabka ayaa sahleysa in goobaha ay u cararaan lagu burburiyo, waxaana Taliyaha uu balanqaaday inta Hal Cadow oo Al shabaab ah Soomaaliya ku sugan yahay uusan joogsan doonin Dagaalka Cirka iyo Dhulka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka iska kaashanayaan.

Previous Post

War Deg Deg: Golaha Wasiirada Hirshabeele oo lagu dhawaaqay

Next Post

Wafdi ay hogaaminayo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo gaaray Xudur

Next Post
Wafdi ay hogaaminayo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo gaaray Xudur

Wafdi ay hogaaminayo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga oo gaaray Xudur

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In