Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo rasaas ku furay dad ciyaar ku daawanayay Boorame “Dhageyso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamo rasaas ku furay dad ciyaar ku daawanayay Boorame “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Laba qofood ayaa inta la ogyahay ku geeriyootay in ka badan Shan kalena wey ku dhaawacmeen kaddib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan maamulka Soomaaliland dad ciyaar kubadda cagta ah ku daawanayay gegida ciyaaraha ee magaalada Boorame.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay kadib markii qaar ka mid ah dadkii ciyaarta dawanayay ay qaadeen heeso waddani ah oo muujinaya midnimada Soomaali weyn, sida heesta calanka Jamhuuradda ee “Soomaaliyeey toosoo” iyagoo calanka jamhuuryadda Soomaaliyana kor u ruxayay.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Intaasi kadib ayaa ciidamada gaarka ah ee loogu talagalay la dagaallanka argagixisada waxey tacshiirad ku fureen dadkii garoonka ku sugnaa ee kubbadda daawanayay, waxaana halkaasi ka dhacay kala carar, iyadoo la rumeysanyahay in tirada dhimashada ay ka badantahay Laba qofood.

Goobjoogayaal ku sugnaa garoonkaasi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in rasaastu ay iminka ka dhaceyso xaafadaha magaalada, iyadoo ay ciidamadu billaabeen howlgallo ay ku qab qabanayaan qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaaladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu Radio Muqdisho siiyay mid ka mid ah dadka deegaanka.

130506_027

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Isku dhafka Ciidanka XDS “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Isku dhafka Ciidanka XDS “Sawirro”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Isku dhafka Ciidanka XDS "Sawirro"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In