Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo rasaas ku furay dad ciyaar ku daawanayay Boorame “Dhageyso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamo rasaas ku furay dad ciyaar ku daawanayay Boorame “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Laba qofood ayaa inta la ogyahay ku geeriyootay in ka badan Shan kalena wey ku dhaawacmeen kaddib markii ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan maamulka Soomaaliland dad ciyaar kubadda cagta ah ku daawanayay gegida ciyaaraha ee magaalada Boorame.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay kadib markii qaar ka mid ah dadkii ciyaarta dawanayay ay qaadeen heeso waddani ah oo muujinaya midnimada Soomaali weyn, sida heesta calanka Jamhuuradda ee “Soomaaliyeey toosoo” iyagoo calanka jamhuuryadda Soomaaliyana kor u ruxayay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Intaasi kadib ayaa ciidamada gaarka ah ee loogu talagalay la dagaallanka argagixisada waxey tacshiirad ku fureen dadkii garoonka ku sugnaa ee kubbadda daawanayay, waxaana halkaasi ka dhacay kala carar, iyadoo la rumeysanyahay in tirada dhimashada ay ka badantahay Laba qofood.

Goobjoogayaal ku sugnaa garoonkaasi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in rasaastu ay iminka ka dhaceyso xaafadaha magaalada, iyadoo ay ciidamadu billaabeen howlgallo ay ku qab qabanayaan qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaaladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu Radio Muqdisho siiyay mid ka mid ah dadka deegaanka.

130506_027

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Isku dhafka Ciidanka XDS “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Isku dhafka Ciidanka XDS “Sawirro”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Isku dhafka Ciidanka XDS "Sawirro"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In