Ciidamadaan tababarkan loosoo gabagabeeyey oo laga soo kala xuley degmooyinka gobolka banadir ayaa mudadii tababarkani socdey ee aheyd 7 maalmood waxey ku barteen sidi ay ula shaqeyn lahaayeen shacabka soomaaliyeed ee ku kala dhaqan degmooyinka Saldhigyadoodu ay ku yaalan
Agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka booliska ayaa u soo xiray tababbarka usoo qabanqaabiyey xafiiska wacyi-gelinta Wasaradda Amniga Gudaha
Agaasimaha waaxda wacyi gelinta iyo xiriirka bulshada Wasaradda Amniga Gudaha Cabdullaahi Faarax Siyaasi oo ugu horeyn kulanka tababbarka looguso xiraayey ciidamada hadalka jeediyey ayaa ugu baaqay inay si cadaalad ah bulshada ugu adeegaan.
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo asna la dardaarmayey Ciidamada tababarkan usoo xirmay ayaa uga mahadceliyay intii soo qaban qaabisay, waxaana uu xusay in boolisku uu yahay saaxiibka koowaad ee bulshada.
Agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali Maxamed ayaa shegey Wasaraddu ay u taagantahey sidii shacabka Soomaaliyeed shaqada ciidanku hayaan qeybtooda uga qaadan lahaayeen sida darteedna loogu bahdey tababarada ceynkan ah
Ciidanka ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin ka turjuneysa waxa ay barteen.
Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Feereysane