Saturday, February 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Ammaanka Baladweyne oo Miino ka saaray Waddada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif iyo Magaalada Baladweyne

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Ammaanka Baladweyne oo Miino ka saaray Waddada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif iyo Magaalada Baladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Ammaanka ee ka howgala Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa Qarax miino oo Maleeshiyaadka Al Shabaab doonayeen in dadka shacabka ku dhibateeyaan kasoo saaray waddada isku xirta Baladweyne iyo Garoonka Diyaaradaha.

Waddada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif iyo Magaalada Baladweyne ayay Ciidanku ku guuleysteen in ay ka saaraan walxaha qarka oo Maleeshiyaadka Al Shabaab ay halkaas ku aaseen si ay dadka Soomaaliyeed ugu dhibateeyaan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026

Miinadan ayaa waxaa soo saaray Ciidanka Nabad Sugidda ee magaalada Baladweyne ka howlgala iyaga oo kaa shanaya xog ay heleen oo u xaqiijisay in qarax lagu aasay waddada dhinaceeda si halkaas ay dhibaato ugu soo gaarto dadka waddaasi adeegsada.

Waddadan ay qaraxa galiyeen Al Shabaab ayaa waxaa ay muhiim u tahay isku socodka Magaaladda Baladweyne, iyadoona halkaas maraan gaadiidka dad weynaha, Sidoo kale waxaa mara gaadiidka Ciidanka iyo kuwa AMISOM.

Miinadaas ayaa waxaa loo qabtay labo qof oo looga shakisan yahay inay iyagu aaseen kadib howlgal balaaran oo Ciidanka sameeyeen.

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya shacabka ku dhaqan degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulabarde ee gobolka hiiraan ayaa wadooyin isku xira degmooyinkaas ka sameeyeen howlgalo Al Shabaab lagu baacsanayo, iyadoona Ciidanka ay fureen Wadooyin horay ay u xireen Al-Shabaab oo u dhaxeeya labadaas degmo.

Sidda uu ku soo waramay Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobalka Hiiraan  Ibraahim Muxudan Geedi.

Halkan ka dhageyso Warbixinta Wariye Ibraahim

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/09/bal.mp3

Previous Post

Baahiyaha Caafimaad ee ka jira degmada Warsheekh oo maamulka Magaaladaas sheegay in wax laga qabanayo “Sawirro”

Next Post

Kullan looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis oo Awood u leh illaalinta ee Xeebaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Kullan looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis oo Awood u leh illaalinta ee Xeebaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Kullan looga hadlayey sidii loo heli lahaa Ciidan Boliis oo Awood u leh illaalinta ee Xeebaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

February 14, 2026
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta

February 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In