Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta xusaya sanad-guuradooda 49-aad

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta xusaya sanad-guuradooda 49-aad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay Ciidamada Dalka, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Xabsiyada Dalka, haddii si kale loo dhahana waa Ciidanka Ilaalada Maxaabiista iyo Xabsiyada Dalka, waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo dhowr iyo 20-kii sano ee uu Dalku bur-bursanaa.

 

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Haddaba waxaa socday in muddo ah qabanqaabada munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidankaasi, waxaan ugu dambeyntii la soo gaaray manta oo ay tahay bishu 23-ka, waxaase ay ku beegneyd xusku shalay balse waay ku soo aaday Maalin Jimca ah sidaasi awgeed ayaa laga dhigay manta oo sabti ah, waxaana shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho Wafdi uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Wadanka Suudan Sarreye Guud Xatim Alnuur Cabdulqaadir, iyadoo socdalkiisa ay ku wehlinayeen ku-xigeenadiisa iyo sarakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Suudaan kaddib markii uu casuumaad ka helay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ee dalka Suudaan iyo wafdigiisa ayaa shalay waxay ka qeyb galayaan xuska maalinta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku asteysan 22 February oo ah markii la aas aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in socdalkiisa uu ku qotomo ka qeybgalka munaasabadad Ciidanka Asluubta, islamarkana ay isdhafsan doonaan asiga iyo dhiggiisa khibradaha dhanka ciidanka.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa uga mahadceliyay Taliyaha booqashada uu ku yimid iyo sida uu u aqbalay casuumaddii loo fidiyay, iyadoo Dhanka kale waxaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Taliyaha ciidanka asluubta Wadanka Suudaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Dahiir Aadan Cilmi Indhaqarshe, waxaa halkaasi ku sugnaa Taliyaha Ciidamad qalabka sida sarakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan galayaasha Qaranka.

Taliyayaasha Ciidanka Asluubta iyo Xoogga Dalka oo Ciidamada Asluubta ugu Hambalyeeyay Sanad-guuradooda 49-aad ee ka soo wareegtay Aas Aaskooda, waxayna dshambaalkooda ku dhaheen “ Sanadguurada 49aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed awgeed, Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Ciidanka Xoogga waxaan Hambalyo leeyahay, Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan Sanadkan kiisa kale”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr: Axmed Cali Daahir,Wasiirka Cadaaladda XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 49Aad ee kasoo wareegtay Aas Aaskooda

Bahda garsoorka ayaa ciidamada Asluubta Soomaaliya waxaa uu ugu hambalyeeyeen sanadguuradii 49-aad ee kasoo wareegtay xuska Maalinta Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii, waxayna dhambaalkooda ku dhaheen: “Waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan Sanadkan kiisa kale, waxaana tihiin tiir kamid ah bahda Cadaaladda”.

Munaasabaddaasi lagu xusayo aas-aaska Ciidanka Asluubta awgeed ayaa waxaa maanta xarigga laga jaray Xabsi Qurux badan oo laga hirgaliyay Duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu tilmaamay inuu yahay xabsiga ugu ballaarn ee ku yaalla Qaaradda Afrika, iyadoo Maxaabiista xukunada kala duwan lagu rido ay horey loogu heyn jiray xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaana la filayaa in maxaabiista qaar lagu soo wareejiyo xabsigan cusub marka si rasmi ah loo furo, waxaana Xabsigaasi cusub xarigga ka jaray Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Dhismaha xabsigan ayaa socday mudo gaareysa seddex sano, waxaana xabsigan ka kooban yahay qeybo kala duwan oo la heer ah xabsiyada kale ee caalamka ku yaala sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka AsluubtaSoomaaliyeed.

Xarumaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa aad loogu diyaar garoobay munaasabadda ku aadan xuska sanad guurada ciidanika Asluubta, iyadoo taliska ciidanka Asluubta munasabaddaasi uu ku soo bandhigay waxqabadka sanadkii tegay 2018-ka, waxaana ka qeybgalay Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre, Taliayaasha Ciidamada Soomaalida iyo Suudaan, Wasiiro, Xildhobaano ka tirsan w2-da Gole, masuuliyiin kale iyo marti sharaf badan oo lagu casuumay Xafladaasi.

Xafladdaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa heeso maaweelo iyo murti ku aadan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed halkaasi ka qaadeen Kooxda Fanaaniinta Ciidaankaasi, iyadoo Masiiliyiintii iyo dadweynihii ka soo qeybgalay Munaasabadaasi ay si weyn ula dhaceen, haddaba waxaan leenahay Ciidanka asluubta Soomaal;iyeed Hambalyo sanadkaan kiisa kale ku gaara horumar iyo nabad.

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

Toos u daawo:-Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ciidanka Asluubta oo ka socota Muqdisho

Next Post

Kulan looga hadlayay qiimaha ay waxbarashadu u leedahay bulshada oo lagu qabtay Balcad

Next Post
Maalinta qorista iyo akhriska adduunka oo laga xusay Muqdisho

Kulan looga hadlayay qiimaha ay waxbarashadu u leedahay bulshada oo lagu qabtay Balcad

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In