Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kuwa Booliska Galbeed ayaa xalay waxaa ay ka sameeyeen degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir howlgalo wadajir ah oo ay ku beegsanayeen dad isticmaalo maandooriyayaal iyo ciyaal weero dhib badan ku haayey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Degmada Dharkeenley.
Taliyaha Booliiska ee qeybta Galbeed Yaasiin Nuur Kheyre ayaa sheegay in Howlgankan uu ka danbeeyey ka jawaabida cabasho ka timid dadka deegaan oo dhibaato xoogan kala kulmay Ciyaal weero iyo kuwa isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya.
Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay nuucyadda kala duwan ee waxyaabaha maandooriyaha iyo dad ka Ganacsanayay, isaga oo Waalidiinta ugu baaqay inay Carruurta dadka dhibaateeynaya ay ceshadaan.