Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Booliska  oo toos ah ula wareegay Saldhigii hore Cusboole ee Deyniile

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Booliska  oo toos ah ula wareegay Saldhigii hore Cusboole ee Deyniile
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen taliyaha qeybta Booliiska ee Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed iyo taliyaha qeybta galbeed ee Booliiska Gshaanle  Dhexe Yuusuf Xundubeey ayaa maanta kormeeray Xarumaha Booliiska ee Degmada Deyniile iyagoo si gaar ah Ciidanka Booliis ay uga howlgeliyeen saldhiga Deyniile oo loo yaqaano Cusboole kaa soo uu maamulijiray maamulka degmadaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Abuukar Jacfar, iyagoo intaasi kaddib si gaar ah u kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha saldhigga cusboole, waxaana taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu halkaasi geeyay ciidamo Booliis ah oo si rasmi ah uga howlgalaya saldhiggaasi.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa dhinaciisa sheegay in saldhiggani uu soo shaqeynayay muddo dheer isagoo soo dhaweeyay in ciidamada boolisku ay dib  ula wareegaan saldhiggaasi.

“Saldhigaan waxa soo soo shaqeynay muddo dheer waxaana soo dhaweynayaa in Ciidamada Booliska ay la wareegaan waana bogaadineynaa’Sidaas waxaa yiri Guddoomiye Jacfar.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka  Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha saldhiggaasi ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan Ciidamada Booliiska, wuxuuna intaasi ku daray in la baaridoono tacaddiyadii la sheegay in ay halkaasi ka dhaceen.

“Waxaan rabaa inaan guud ahaan shacabka aan Sheegno halkaan ma ahan meel qof iska maamusha waaa saldhiigu hore ee Degmada Deyniile mana ahan xabsi gaar loo maamulo sidoo kale eedeymaha loo jeediyay Maamulka Degmada baaritaan ayaa ku socdo natiijadane waa soo bixi doontaa”ayuu ku daray hadalkiisa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka  Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale xeer illaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Maamullada Degmooyinka uga digay isticmaalka awood xad ka baxsan mas’uuliyaddooda .

“Sidoo kale waxaan Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iga digeynaa inay bulshada u isticmaalaan adoow ka baxsan masuuliyadda ay bulshada u hayaan si loo illaaliyo kala dambeynta iyo nidaamka sharciga ah ee u yaalla dalka”Xeer illaaliyaha Guud ee Qaran.

Ugu dambeyntii Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warbaahinta uga digay iyo sidoo kale dada isticmaalo social mediayaha inay ku ixtiraamaadan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka sidoo kale lala xisaabtami doono cidii jabisa sharciga dalka .

Tallaabadan ay ciidamada booliisku maanta kula wareegeen saldhigga cusboole ayaa imaaneysa iyadoo maalmihii la dhaafay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen falal yaryar oo  ka dhan ah bani’aaddanimada.

Tags: Ciidanka Booliska  oo si toos ah ula wareegay Saldhigii hore Cusboole ee Deyniile
Previous Post

Ciidanka Xoogga oo dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab hubna ka furtay

Next Post

Wasiirka Boostada XFS oo soo dhoweeyay kaalinta uu dalkeenu ka galay qiimaha internet-ka

Next Post
Wasiirka Boostada XFS oo soo dhoweeyay kaalinta uu dalkeenu ka galay qiimaha internet-ka

Wasiirka Boostada XFS oo soo dhoweeyay kaalinta uu dalkeenu ka galay qiimaha internet-ka

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In