Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay waxyaabaha maanka-dooriya iyo dadkii iibinayay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay waxyaabaha maanka-dooriya iyo dadkii iibinayay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada gaarka utababaran ee Goodir oo qeyb ka ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ogaaday xogta Guri lagu kariyo laguna iibiyo Calaqa kaasi oo ku yaala Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

markii weerarka ay ku qaadeen Gurigaasi Ciidamada Booliska wey iska caabiyeen Maleeshiyaadka hubeysan ee ku jiray Guriga dhexdiisa inkastoo laga adkaaday Gacantana lagu soo dhigay,

Related posts

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo yeeshay Wada-hadallo Laba-Geesood ah

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo yeeshay Wada-hadallo Laba-Geesood ah

February 3, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta

February 3, 2026

Howlgal qorsheysan oo ay qaadeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  ayaa lagu soo qabtay ilaa 7-ruux oo ka shaqeynayay iibinta iyo Sameynta Qamriga iyadoo sidoo kale Gurigaasi qeyb ka mid ah lagu beeray geedka xashiishka loo yaqaano oo ka mid ah Maandooriyaha.

“waxay Guriga dhexdiisa ka sameyateen Difaac Ciidan si ay isaga difaacaan hadii Boolisku ogaadaan balse ugu dambeyn ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Taliyaha la dagaalanka muqaadaraadka ee Laanta dembi baarista ee CID-da iyo Shaqsiyaadkale ayaa kor meer ku tagay goobta lagu soo qabtay raga iibinayay wax yaabaha maanka dooriya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sharaxay sida ay ku ogaadeen in waxyabaha maanka dooriya lagu iibiyo gurigaan hase ahaate waxaa kaloo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamama si loo xajiiyo amniga iyo in laga hortaggo wax yaabaha lidiga ku ah amaanka.

Guddoomiyaha Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir Abuukar Maxamed Cadoow ayaa Booliska uga Mahad celiyay dadaalka looga hortaggayo muqaadaraadka,

“Waxaan Ciidamada Booliska uga mahadcelineynaa sida ay ula dagaalamayaan waxyaabaha muqaadaraad ee dhibaatada ku ah bulshada iyo doorka ay ka qaadanayaan sugida amaanka ayuu yiri Guddoomiye Abuukar Maxamed Cadoow.

Previous Post

Kumannaan Muslimiin ah oo manta u dareeray gudashada rugniga ugu weyn ee Xajka

Next Post

Mareykanka oo 12-kun oo Askari ka daad guraynaya Wadan kamid ah Dalalka Yurub

Next Post
Mareykanka oo 12-kun oo Askari ka daad guraynaya Wadan kamid ah Dalalka Yurub

Mareykanka oo 12-kun oo Askari ka daad guraynaya Wadan kamid ah Dalalka Yurub

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo yeeshay Wada-hadallo Laba-Geesood ah

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo yeeshay Wada-hadallo Laba-Geesood ah

February 3, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta

February 3, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen guddi heer qaran ah...

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddo casri ah oo dhererkeedu yahay...

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

February 3, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Mudane Yuusuf Cabduqaadir Maxamed iyo Xoghayaha Gudiga Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In