Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda ee gurmadka Gor gor oo afurin u sameeyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda ee gurmadka Gor gor oo afurin u sameeyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Hay’adda Nabad sugidda ee Gurmadka Gor gor ayaa maanta kulan afurin ah u sameeyay qaar ka mid ah qoysaska danyarta ah ee degan Carwadii hore ee degmada Hodan, iyadoo afurinta ay bar  bar socotay baaritaanno ay ciidamadu ku sameynayeen gaadiidka iyo dadweynaha isticmaalayay wadooyinka ee xaafadaha degmada Hodan.

Ciidamada ayaa ku booqanayay dadka guryahadooda, iyadoo markii ay baaritaannada u soo gabo gabowday ay dadka danyarta ah siinayeen afurin ay ugu talagaleen inay qoysaskaasi ku afuraan, taasi oo ka dhigan sida ay ciidamada amniga uga go’antahay in ay gacan qabtaan shacabka tabaaleysan, ayna ka hortagaan cidkasta oo dhibaato u keeneysa shacabka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka hay’adda NISA ay howlgallo baaritaano ay ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha degmada Hodan, isagoo intaa ku daray in ciidanku ay afurin u sameeyeen qaar ka mid ah qoysaska ku nool degmada Hodan.

“Ciidanka NISA, waxa ay baaritaanno amni xaqiijin ah iyo gurmad ay u fidinayeen qoysas danyar ah u sameeyeen afurin, runtii ciidanka Nabad sugidda gaar ahaan gurmadka Gor gor, waxa ay mid u galeen xaafadaha, iyagoo si naxariis leh ugu gurmaday, qoysaska aan haysanin afurinta, u jeedka arrintan ayaa ah in laga hortago dhacdadii maanta ay argagixisada ku doonayeen inay shacabka ku gumaadaan, Ciidanka NISA, waxa ay joogteeynayaan u gurmashada shacabka iyo ka hortagga falalka amniga lidiga ah ku ah” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay shacabka inay xoojiyaan la shaqeynta ciidanka, si oo xaqiijiyo guud ahaan amniga dalka, gaar ahaan tan caasimadda, isla markaana ay ciidanka Nabad sugidda ee Gurmadka Gor gor sii wadi doonaan howlgallada looga hortagayo amni darrada iyo u gurmashada dadka tabaaleysan inta lagu guda jiro bishan barakeysan ee Ramadaan.

vlcsnap-2015-06-21-20h02m25s203 vlcsnap-2015-06-21-20h03m06s89 vlcsnap-2015-06-21-20h03m17s202 vlcsnap-2015-06-21-20h03m47s253 vlcsnap-2015-06-21-20h04m00s130 vlcsnap-2015-06-21-20h04m08s189 vlcsnap-2015-06-21-20h04m43s37 vlcsnap-2015-06-21-20h04m52s139 vlcsnap-2015-06-21-20h05m07s18

 

 

 

Previous Post

Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Next Post

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka hadlay socdaalkii uu ku tegay Kismaayo iyo New York

Next Post
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Ra'iisul wasaare Cumar oo ka hadlay socdaalkii uu ku tegay Kismaayo iyo New York

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In