Wednesday, July 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Su’aallaha la weeydiiyey Wasiirka Maalliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala ahaa Mushaaraadka Ciidammada,shaqaallaha rayidka ee dowladda,lacago la sheegay in seddexdii billood ee lasoo dhaafay aan la ogeyn halka lagu bixiyey,canshuur dhaafka badeecooyinka shakhsiga oo kordhay bilihii lasoo dhaafay,habraaca kharash bixinta dowladda oo mudnaanta siinaya raashiinka Ciidammada, gunnada Ciidammada iyo shaqaallaha rayidka ah ee dowladda iyo amar la sheegay in uu kasoo baxay Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Biya dhaca su’aallaha Xildhibaannada Baarlamaanka waxa ay aheyd jah wareerka dhaqaalle ee uu dalka ku jiro Lixdii billood ee lasoo dhaafay oo ah inta Wasiirku hayo xilka Wasaaradda Maalliyadda.

Related posts

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026

Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Mudane Maxamed Aadan “Fargeeti” uu Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabay su’aallihii ay weydiiyeen ayaa faah faahiyey qaabka loo maareeyey lacag gaareysa $ 49,173,77 oo ah dakhliga dowladda soo galay seddexdii bilood ee lasoo dhaafay,si gaar ah  waxa uu jawaab uga bixiyey daaha bixinta musharaadka shaqaallaha rayidka ah ee dowladda iyo Ciidammada.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shirka guddoominayey ayaa xeritaankii kulanka sheegay in kulanka soo socda ay Mudaneyaasha Baarlamaanku dood furan ka yeelan doonaan jah wareerka dhaqaalle ee dalka ka jira waxaana uu ka dalbaday guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka iney faah faahinnada ay hayaan la wadaagaan Xildhibaannada.

Sida uu qabo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka hadii Mas’uul la weydiinayo su’aal oraaheed waxa ay socon kartaa 90 daqiiqo oo ah hal saac iyo bar balse Wasiirka Maalliyadda kulanka su’aallaha lagu weeydiinayey waxa uu socday 250 daqiiqo,29 Xildhibaan ayaa su’aallo weydiiyey,wadarta su’aallaha la weeydiiyey Wasiirkana waa 68 su’aal, tallaabadanna waxey muujineysaa sida Baarlamaanku ay muhiimad siinayaan xiligan xaaladda dhaqaalle ee dalka uu ku jiro waloow ay dad badani aaminsan yihiin iney tahay tallaab mar hore loo baahnaa.

Previous Post

Ku simaha RW ayaa ka tacsiyeeyey dilkii saaka loo gaystay Marxuum Anwar Xaaji

Next Post

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda ee gurmadka Gor gor oo afurin u sameeyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda ee gurmadka Gor gor oo afurin u sameeyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Ciidanka Hay'adda Nabad sugidda ee gurmadka Gor gor oo afurin u sameeyay qoysas danyar ah "SAWIRRO"

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay shirka u dhexeeyay xubnaha Mucaaradka iyo Dowladda

July 8, 2026
0

War qoraal ah ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dalka ayaa lagu faahfaahiyay Wada hadal Muqdisho ku dhexmaray Dowladda iyo xubno...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS iyo mas’uuliyiin kale oo saxiixay buugga tacsida ee AUN Imaam Maxamed Yuusuf

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS iyo mas’uuliyiin kale oo saxiixay buugga tacsida ee AUN Imaam Maxamed Yuusuf

July 8, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In