Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka Khawaarijta iyo argagixisada caalamiga ah iyo Horjoogihii naftood-haligeyaasha Khawaarijta, ka kala fuliyay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ugunji ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgal 19-kii bisha ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Kuunyo Barrow iyo degmada Jilib, waxaa lagu Khaarijiyay Horjooge Cabdixamiid Cali Cabdullaahi Macalin, oo ahaa Horjoogihii xiriirka Khawaarijta iyo argagixisada caalamiga ah, kaas oo masuul ka ahaa soo gelinta hubka iyo maaddooyinka qaraxyada, isaga oo laf dhabar u ahaa dhagarta iyo weerarrada kooxda.
Sidoo kale, howlgal 15-kii bisha ka dhacay deegaanka Ugunji, waxaa lagu dilay Horjooge Suleyman Cumar Fidow, oo magacyadiisa afgarashadu kala ahaayeen: Faruq, Maxamed Cabdullaahi iyo Cali Saciid, kaas oo ahaa horjoogihii naftood-haligeyaasha ee Khawaarijta, horeyna u soo noqday Horjoogaha dhinaca sirdoonka, waxaana hadda loo diyaarinayay in uu beddelo madaxii qaraxyada iyo marin-habaabinta ee kooxda ee lagu magacaabi jiray Injineer Ismaaciil oo bishii December lagu dilay howlgal qorsheysan.
Howlgalladan qorsheysan ee lagu beegsanayo Horjoogeyaasha sare ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta laguna burburinayo shabakadaha argagixisada. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA:
199 / 0770747474 / 0620545454.











