Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Hay’adda NISA oo toogtay horjoogihii khawaarijta u qaabilsanaa baadda shacabka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Hay’adda NISA oo toogtay horjoogihii khawaarijta u qaabilsanaa baadda shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa toogtay Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Ninkaas ayaa lagu toogtay duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Related posts

March 3, 2026
Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Cali Raaxo ayaa Khawaarijta wakiil uga ahaa inuu si dhuumaaleysi ah ganacsatada iyo shacabka Muqdisho lacago baad ah uga qaado, isagoo telefoon ugu soo hanjabaya dadka magaalada.

Meelaha uu dadka ugu yeeri jiray sida dhuumaalysiga ah waxaa ka mid ah deegaannada Garas-gawaan, Gandarshe, Ceelasha Biyaha, Lafoole ilaa Galka Saalimow.

Ciidanka ammaanka oo mudo dheer uruurinayey xogta dhagarqabahaan ayaa ku raadjoogay, waxaana ugu danbayn shartiisa la dhaafiyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho, kuwaas oo khatar weyn uu ku ahaa hantidooda iyo naftooda.

Danbiile Cali Raaxo wuxuu Khawaarijta ka mid noqday sanadkii 2014-kii, wuxuuna ilaa markaas uu khawaarijta u qaabilsanaa baada hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo basaasidda dadka macnaha u leh bulshada, si ay u bartilmaameedsadaan Khawaarijta.

 

Previous Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo gaaray Kismaayo

Next Post

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa howlgalkii Ciidanka Danab ay ka fuliyeen Jubbada Hoose

Next Post
Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa howlgalkii Ciidanka Danab ay ka fuliyeen Jubbada Hoose

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa howlgalkii Ciidanka Danab ay ka fuliyeen Jubbada Hoose

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge ka tirsan Khawaarijta

March 2, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In