Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku beegsaday guri ay shir ku lahaayeen Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagu dilay 13 dhagar-qabe oo shan ka mid ah ay ahaayeen Horjoogeyaal.

Horjoogeyaasha dhiigya-cabka ah ee la beegsaday ayaa u fadhiyay kulan ay doonayeen in ay ku maleegaan shirqoollo argagixiso iyo in ay dadka deegaanka ku cadaadiyaan in ay taageero qasab ah ka helaan, balse Sirdoonka Qaranka ayaa beeniyay dhagartooda, kadib markii halkaas lagu soo afjaray dhaq-dhaqaaqii ay wadeen.

Related posts

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

March 5, 2026
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026

Horjoogeyaasha la dilay waxa ay kala ahaayeen; Macallin Caseyr, Macallin Muxumed Axmed Xasan, Shiikh Cali Guuraale , Cabdiraxmaan Shiikh Cali (C/raxmaan Dhegey), iyo Macallin Caadey, kuwaas oo Khawaarijta u kala qaabilsanaa falalka argagixiso ee ay ka fulin jireen Gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Baay.

Ilaa siddeed dhagar-qabe oo ay ku jiraan seddax Horjooge ayaa sidoo kale howlgalkan lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus, waxayna kala yihiin Horjoogeyaashaasi; Cali Macallin Xasan, Cabdullaahi Muxudiin Maxamed Rooble (Bukuri) iyo Cabdiraxmaan Axmed Diini.

Ugu dambeyn, waxaa lagu wargelinayaa dadka rayidka ah, in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaariijta, oo mar kasta bartilmaameed u ah Ciidanka Qaranka.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454

Previous Post

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Next Post

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Next Post
Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

March 5, 2026
0

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo fhaweysay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Mudug,...

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In