Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka, ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah ugu soo xiray Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee u dhexeeya Heerarka Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada.

Shirweynahan oo socday labadii maalmood ee 31 Janaayo iyo 1 Febraayo 2026, kana qabsoomay Dhuusamareeb, ayaa waxaa lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qabanayo abaaraha, loona horumariyo adeegyada tamarta iyo biyaha ee bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

Intii uu socday shirku, waxaa lagu soo bandhigay mashaariicda ay Wasaaraddu waddo, kuwaas oo ay ka mid yihiin.

* Mashruuca Soo Kabashada Korontada Soomaaliya (ILAYS)

* Mashruuca Jowhar, oo ka mid ah mashaariicda horumarinta biyaha

* Mashruuca Barwaaqo +, oo ah mashruuc ballaaran oo laga fuliyay qaybo badan oo dalka ka mid ah, kuna saleysan deris-wanaag iyo iskaashi bulsho, isla markaana xoogga saaraya dhismaha biyo-xireenada.

* Barnaamijka Abaartire, oo ay si gaar ah u fulisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, (XFS) kaas oo ujeeddadiisu tahay in xal waara laga gaadho saameynta abaaraha, lana xaqiijiyo in Soomaaliya yeelato ilo biyo oo la isku halayn karo mustaqbalka.

Wasiirrada Wasaaradaha Tamarta ee Dowlad-Goboleedyada ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta kala dhaxaysa Wasaaradda Federaalka, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin horumarinta tamarta dalka iyo sidii looga hortagi lahaa abaaraha, Dhinaca kale waxay xuseen in mashaariicda si isku mid ah loogaga faa’iideeyo deegaannada dalka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in Wasaaradda ayka go’an tahay ka shaqeynta sidii Soomaaliya u yeelan lahayd koronto iyo biyo la isku halayn karo, isago xusay in mashaariicda iyo ceelasha biyaha laga fulinayo dalka oo dhan si siman, aysanna ku xirnayn siyaasad gaar ah.

Ujeeddada shirkan ayaa ahayd xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda siyaasadaha tamarta iyo biyaha ee dalka, si loo helo qorshe qaran oo mideysan, loogana jawaabo caqabadaha abaaraha, loona xaqiijiyo helitaanka biyo nadiif ah iyo tamar la awoodi karo, si loo gaaro horumar waara.

Wasiir Bidhan “Markii aan imid Wasaaradda, waxaan mudnaan gaar ah siiyay mashruuc kasta iyo shaqo kasta oo lagu hormarinayo Wasaaradda, anigoo ujeedkeygu yahay in shacabka Soomaaliyeed helaan koronto qiimo jaban iyo biyo nadiif ah, Taasi ayaana saldhig u noqotay guul kasta oo aan ka gaarnay shaqooyinkeenna.”

Previous Post

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

Next Post

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

Next Post
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In