Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Ilaalada Waddooyinka iyo Iskaashada Gaadiidleyda oo siminaar u furmay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Ilaalada Waddooyinka iyo Iskaashada Gaadiidleyda oo siminaar u furmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siminaar ku saabsan sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka, Wasaaradda Gaadiidka, Iskaashatooyinka Gaadiidleeyda iyo shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay xarunta Qaybta Nabadgelyada Waddooyinka ee Muqdisho.

Furitaankii siminaarka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Benaadir, Nabadgelyada Waddooyinka iyo xubno kale, waxaana u jeedkiisu yahay in wada shaqeyn dhexmarto Wasaaradda Gaadiidka, Iskaashatooyinka Gaadiidleeyda, shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya iyo ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Guddoomiyaha shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaliya Maxmad Cabdi ayaa sheegay in tababarkan uu wax badan ka badali doonto howlaha wada shaqeyn ee ka dhexeysay qeybahaasi, isagoo intaa ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin la shaqeynta ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafiko.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Siyaasadda ee Gobolka Benaadir Maxamed Aadan Guuleed “Caano-geel” oo isna ka hadlay furitaanka tababarka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan tababarkan, isla markaana uu ka codsanayo ka qeyb galayaasha inay ka faa’iideystaan fursadaan, ayna isla meel dhigaan sida ugu fudud ee ay ku wada shaqeyn karaan.

Taliyaha Qeybta Nabadgelyada Waddooyinka Sareeyo Guuto Cali Xirsi Barre “Cali gaab” oo furay siminaarka ayaa sheegay in siminaarkan uu socon doono muddo saddex cisho ah, isla markaana loo qabtay qaar ka mid ah ciidanka ilaalada Nabadgelyada Waddooyinka iyo Iskaashatooyinka Gobolka, isagoo ugu baaqay in ay waqtiga ilaaliyaan, ayna ka faa’iideystaan muddada uu tababarka socdo.

DSC04219

DSC04226

DSC04227

DSC04232

DSC04240

DSC04241

DSC04249

DSC04253

DSC04254

DSC04258

DSC04267

DSC04274

DSC04277

DSC04280

DSC04287

DSC04291

DSC04297

DSC04304

DSC04307

DSC04324

DSC04336

DSC04343

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

Previous Post

Soomaali ku dhimatay Doon ku quustay xeebaha Yemen

Next Post

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Serbia ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Serbia ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Serbia ee Soomaaliya "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In