Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo hawlgal kulasoo wareegay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 month ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor iyo Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal ballaaran oo ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe kula wareegay gacan-ku-heynta deegaanno iyo saldhigyo muhiim ah oo ay horay u maamuli jireen Khawaarijta.

Howlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray deegaanka Geel-gub, halkaas oo ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta deegaanka iyo saldhigyada muhiimka ah ee ku yaalla nawaaxigiisa.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalkan ku muujiyay isku-duubni, abaabul iyo diyaar-garow ciidan, iyadoo ciidamada Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Ciidanka Gaarka ah ay si wadajir ah uga howlgaleen deegaanada ay ka socoto sifeynta Khawaarijta.

La wareegidda Geel-gub waxay ka mid tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo ciidamada dowladda ay sii wadaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada iyo waddooyinka muhiimka ah.

Ciidamada ayaa hadda ku howlan adkeynta fariisimaha iyo saldhigyada laga qabsaday Khawaarijta, si looga hortago isku-day kasta oo lagu doonayo in dib loogu soo laabto goobaha laga saaray.

Howlgalka ka socda Shabeellaha Dhexe ayaa qeyb ka ah dadaallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta, looguna soo celiyo shacabka nabad, amni iyo maamul dowladeed.

Previous Post

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In