Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 weeks ago
in Wararka
0
Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta oo abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo dagaal ka waday Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose, waxaana la dilay in ka badan 40 dhagarqabe.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad loo diyaarinayay in ay falal argagixiso ka fuliyaan deegaannada ku dhow Maxaas. Howlgalkan, oo lagu dilay ilaa 17 dhagarqabe, ayaa sidoo kale lagu burburiyay goobo ay gabbaad ka dhiganayeen Khawaarijtu.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Dhinaca kale, weerar guul ku dhammaaday oo Ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen howdka deegaanka Buulo-naagey ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaa lagu soo afjaray 23 Khawaarij ah oo lagu soo daabulay halkaas si ay u carqaladeeyaan saldhigyada ciidanka qaranka iyo isu-socodka amniga ee gobolka. Beegsigaas ayaana lagu wiiqay isku-daygii Argagixisada ee ahaa in ay Buulo-naagey u adeegsadaan marin u fududeeya carqaladeynta amniga.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay kor u qaadday dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA:

199 / 0770747474 / 0620545454

Previous Post

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In