Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo Al-shabaab ka tirsan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Horjooge sare oo Al-shabaab ka tirsan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Sirdoonka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay in ay gacanta ku hayso Liibaan Xaaji Maxamed oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kaas oo dhowaan hay’adda Mareykanka u qaabilsan Sirdoonka gudaha ee FBI ay sheegtay in ay ku dartay liiska kooxaha Argagaxisada ah isla markaana Madaxiisa ay dul dhigtay lacag dhan 50,000 (Konton Kun) oo dollar.

Liibaan oo ah Soomaali American ayaa wuxuu ku dhex-jiray Kooxda Al shabaab oo uu katirsanaa, waxaana Dowladda Mareykanka ay ku eedeysay inuu Taageero siin jiray Al shabaab, sidaasi darteedna Halis ku yahay Amnigeeda.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Hay’adda Amniga Soomaaliya iyo Sirdoonka Mareykanka ayaa mudo Maalmo ah Dusha kala socday Dhaq-dhaqaaqa Liibaan, oo la sheegay in markii uu kasoo safray Gobolada Jubbooyinka oo kusii jeeday Muqdisho ay qabteen.

Liibaan oo 29 Jir ah ayaa wuxuu haystaa Dhalashada Dalka Mareykanka, wuxuuna ku noolaa oo Tagsiile ka ahaa Waqooyiga Magaalada Virginia ee Gobolka Washington, waxaana markii danbe lala xariirinayay inuu Tababaro siiyo Dhalinyaro oo uu usii diri jira Kooxda Al shabaab.

Dawladda Somalia oo ku dhawaaqday in maanta wixii ka dambeeya Kooxda Al-Shabaab loo aqoonsaday Magaca UGUS. (Micnaha UGUS)
NISA waxay Ku dhawaaqday in Kooxda Al-Shabaab loo isticmaalo Magaca ah UGUS oo laga soo gaabiyay Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed. Waxaana Magacaasi uu ka turjumayaa Afcaasha Kooxda Al-Shabaab oo ka caado yeelatay Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed. iyadoona Magacaana uu noqonaya kan Rasmiga ah ee ay Dawladda Somalia u taqaano Kooxda Gumaadka ee isku taqaana iyadu Al-Shabaab.

UGUS waa Koox aan oggolayn Qaranimadda Soomaaliya, isla markaana ku shaqaysa Afkaar Shisheeye oo aan Shareecadda Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalidda waafaqsanayn.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha dalka oo ka qeybgalay shirka Hiigsiga cusub

Next Post

AMISOM oo Deeq Raashiinah gaarsiisay Isbitaalka Banaadir”SAWIRRO”

Next Post
AMISOM oo Deeq Raashiinah  gaarsiisay Isbitaalka Banaadir”SAWIRRO”

AMISOM oo Deeq Raashiinah gaarsiisay Isbitaalka Banaadir”SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In