Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka NISA oo fashiliyay Qarax “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ciidanka NISA oo fashiliyay Qarax “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa fashiliyay gaari ay saaranyihiin walxaha Qarxa kaas oo ay ku raadjoogeen ciidamada ammaanka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Gaarigaan ayaa la sheegay inuu qarxay markii ay isku hareeyeen ciidanka NISA xili uu marayay meel u dhaw Isgoyska Ex-koontarool Afgooye.

Gaarigan ayaa ahaa mid ay wateen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana saaka goor hore ay rasaas ku fureen gaari uu lahaa sargaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo aan gaariga xilligaasi saarneyn, intaas kadib ayay ciidanka booliska ka warhaleen oo ay ku baxeen goobta uu shilka ka dhacay, taasi oo ay is weydaarsadeen iyaga iyo ciidanka booliska rasaas waxaana goobta ku dhitan hal askari.

Ciidamada amniga oo ku raadjoogay gaarigan, isla markaana ka duulayay xogaha ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed ayaa amar ku bixiyay in ciidamada amniga oo dhan la geliyo heegan, waxaana markii dambe maleeshiyaadkii watay gaarigan ay uga carareen meel u dhaw Ex-koontarool Afgooye, markii ay wax gurmad ah ka waayeen shacabkii halkaasi deganaa.

Ciidanka Hay’adda NISA ayaa goobta uga daba tegay gaariga oo aan cidna saarneyn, waxaana markii ay isu gadaameen gaariga ay ogaadeen in uu sido qaraxyo, kaasi oo markii dambe qarxay, waxaana wararku ay sheegayaan in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ilaa iyo Afar Askari.

Saraakiisha NISA ayaanan wali wax faah faahin ah ka bixin arrintaan.

Previous Post

Guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo guddi soo qiimeeya u saaray musiibadii ka dhacday Suuqa Bakaaraha “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In