Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka NISA oo hawlgal ku dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Hay’adda NISA oo war kasoo saartay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo 12-kii Agoosto 2026 ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaa guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal sare, ku dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka dhaawac culus lagu gaarsiiyay horjooge sare Mustaf Caato oo ahaa madaxa guud ee waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha Gobolka Hiiraan, iyo laba horjooge oo kale.

Mustaf Caato, oo ka mid ah horjoogeyaasha muhiimka u ah Khawaarijta, ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray howlgalka, waxaana markii dambe laga qaaday degmada Maxaas iyada oo loo gudbiyay degmada Ceelbuur si loogu daweeyo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Horjoogahan ayaa muddo dheer ku lug lahaa qorsheynta iyo isku-dubbaridka weerarrada argagixisada, isaga oo hore u soo maamulay qeybta qaraxyada iyo naftood-haligayaasha.

Horjoogeyaasha kale ee howlgalka lagu dilay ayaa kala ahaa Cabdi Xaafid, oo ka tirsanaa qeybta qaraxyada; Daalibaan, oo ka tirsanaa qeybta gurmadka Gobolka Hiiraan iyo Cumar Xuseen, oo horjooge u ahaa qeyb ka mid ah waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha. Waxaa sidoo kale dhaawac culus la gaarsiiyay horjooge Maxamed Eeney iyo horjooge Salaad Buur.

Horjooge Mustaf Caato ayaa muddo ka mid ahaa bartilmaameedyada mudnaanta sare u lahaa hay’adaha amniga, isaga oo door horjoogenimo ku lahaa abaabulka iyo dagaallada Khawaarijta.

Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda iyo hoggaanka kooxda.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay xuska maalinta Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Wadamada Carabta

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In