Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, oo ku guda jira hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 29-03-2026, waxa ay cagta mariyeen jidgooyooyin u yaallay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku sugnaa nawaaxiga deegaanka Daynuuney ee Gobolka Bay.
Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka mid ah Khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu guulaystay in la burburiyo isbaarooyinkii ay halkaas ka sameysteen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka war haysaa in hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada, Cali Saciid Faqi, ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Khawaarijta. Iyagoo fulinaya heshiisyo ay la galeen, waxay maanta faafiyeen warar been abuur ah oo ka dhan ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Ciidanka Qaranka, isla markaana difaacaya maleeshiyaadka Khawaarijta ee lagu jebiyay dagaalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa una beeninaysaa ficillada iyo hadallada shaqsiyaadkaas, iyadoo lagula xisaabtami doono iyaga iyo cid kasta oo kale oo ku lug yeelata falalka argagixisanimo ee noocan oo kale ah.
Dowladdu waxay sidoo kale u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamka ee taageerada hagar la’aanta ah siiya Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta.











