Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay deegaanka BudBud ee G/Galgaduud “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay deegaanka BudBud ee G/Galgaduud “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Bud Bud oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa ka soo dhaqaqay dhinaca degmada Derri, waxeyna si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaanka Bud Bud kaddib markii ay isaga carareen maleeshiyaadkii Shabaab ee ku sugnaa halkaasi markii ay ka warheleen in ciidamada XDS ay ku soo wajahanyihiin.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Dadweynaha ku nool deegaanka Bud Bud ayaa si diirran usoo dhaweeyay ciidamada, iyagoo sheegay in maleeshiyaadki Shabaab ay u carareen dhanka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Bud Bud oo codsaday inaan magacooda la soo xigtan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maleeshiyaadka Shabaab ay ku hayeen muddo dheer dhibaatooyin xad dhaaf ah, iyagoo xusay in maanta ay u tahay maalin farxadeed maaddaama ay ciidamadu ka dulqaadeen gafanayaashii Shabaab islamarkaana ay ku damaashaadayaan neecaawda xorriyadda oo ay maanta heleen Siddeed sano kaddin.

Waxeey ka codsadeen dowladda Federaalka, mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ineysan dib uga laaban BudBud oo ay hore u sii dabagalaan firxadka maleeshiyaadka Shabaab, iyagoo ballan qaaday iney si buuxda ula shaqeeyn doonaan ciidamada si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaankooda.

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ee maanta la wareegay BudBud ayaa la sheegay iney wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan ammaanka deegankaasi, waxeyna dhinaca kale ku sii raadjoogaan fitxadka maleeshiyaadki Shabaab ee isaga cararay Bud Bud.

Deegaanka Bud Bud oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa 28 Kiilo Mitir jihada koofur uga beegan degmada Derri oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, sidoo kale deegaanka BudBud ayaa degmada Wabxo jihada waqooyi  uga beegan masaafo dhan qiyaastii 60 kiilo Mitir, halka degmada Galcad ay 30 Kiilo Mitir uga beegantahay dhanka Bari.

La wareegidda deegaanka Bud Bud ayaa muuhiimad gaar ah u leh howlgalka ay ciidamadu ka wadaan gobolka Galgaduud maaddaama ay ku taallo meel istiraatiiri ah oo kala qeybisa xadka degmooyinka Ceelbuur iyo Ceeldheer.

Deegaanka Bud Bud ayaa ah tuuladdii ugu horreeysay ee ka tirsan degmada Ceeldheer oo ay ciidamadu ka xoreeyaan maleeshiyaadka Shabaab ee dhibaatada ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ay weli gobolka uga harsanyihiin kooxda Shabaab.

1014103_459453717588364_8251888246090842815_n 1528655_342952979234522_7867189073692846990_n 11013595_10204188730746596_7612955765790714770_n 11951858_10205274032758468_627993964577389932_n 12106711_155636748119016_3672036265437675299_n 12463684_448867898643029_1378771343_n

Sawirro hore

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha: ‘’Xildhibaannada waxaan ka codsanayaa in kalfadhigan 8-aad ay la yimaadaan dadaal dheeri ah’’ “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha: ‘’Xildhibaannada waxaan ka codsanayaa in kalfadhigan 8-aad ay la yimaadaan dadaal dheeri ah’’ “Sawirro”

Madaxweynaha: ‘’Xildhibaannada waxaan ka codsanayaa in kalfadhigan 8-aad ay la yimaadaan dadaal dheeri ah’’ "Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In