Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka XDS oo 32 malleeshiyaad ah xalay ku dilay deegaanka Golweeyn ee G/Sh/Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidanka XDS oo 32 malleeshiyaad ah xalay ku dilay deegaanka Golweeyn ee G/Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka XDS ayaa dilay Sodon iyo Labo ka tirsanaa malleeshiyaadka Shabaab oo xalay soo weeraray fariisin ay ciidanku ku lahaayeen deegaanka Golweeyn ee gobolka Shabeellaha Hoosse.

Taliyaha ururka Labaad,  guutada Sadeexaad ee Ciidanka XDS Col.Xasan Maxamed Abuukar oo loo yaqaan “Xasan Jaamici” ayaa Radio Muqdisho u sheegay in malleeshiyaad hubeysan oo ka tirsanaa kooxda UGUS “Shabaab”  ay xalay soo weerareen saldhig ay ciidanka XDS  ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna intaa ku daray in weerarkaasi ay ciidamadu si taxadar leh isaga difaaceen, islamarkaana ay ciidamadu dileen 32 ka mid ahaa maleeshiyaadkaasi.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Col. Xasan Jaamici ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay dileen 32 ka mid ahaa maleeshiyaadka Shabaab, islamarkaana ay dhaawaceen tiro intaa ka badan, isagoo intaa raaciyay in hub iyo saanad ciidan ay ka furteen maleeshiyaadkaasi.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ciidamada XDS ay jab iyo qasaaro xoog leh u geeysteen maleeshiyaadka UGUS, isagoo tibaaxay in ciidamada XDS ay xaqiijiyeen ammaanka deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale taliyaha ayaa ciidamada ku ammaanay sida xirfadeysan oo ay uga hortageen una dhabar wareemeen weerarkii gaadmada ahaa ee xalay ay maleeshiyaadka UGUS ku soo qaadeen saldhiga ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanka Golweyn.

Wuxuu wax laa xumaado ku tilmaamay iney dagaalkaasi ku dhinteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo la qalday, kuwaasoo  sida uu xusay aan u tureyn ummadda Soomaaliyeed xilliyada farxadda ee ciidda.

Dhanka kale taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in saldhigga Golweyn ay hore uga baxeen ciidanka AMISOM, balse ay ciidanka XDS buuxiyeen aaggaasi, islamarkaana ay fariisin adag ka sameeysteen, xaqiijiyeenna ammaanka deegaankaasi.

Dadka ku nool deegaanka Golweyn ayuu ku ammaanay sida wanaagsan oo ay ula shaqeeyeen ciidanka XDS, isagoo balan qaaday in ciidanka XDS ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka Shabaab, tan iyo inta dalka oo laga sifeeynayo kooxdaasi argagixisada ah ee sida xaq darrada ah u daadisa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Previous Post

Bariga Magaalada Minneapolis Oo Si Wayn Looga Ciiday “Sawirro”

Next Post

SAWIRRO-Wasiir ku xigeenka Maaliyadda XFS oo kumanaan qof kula ciiday Degmada Carmo ee gobolka Bari

Next Post
SAWIRRO-Wasiir ku xigeenka Maaliyadda XFS oo kumanaan qof kula ciiday Degmada Carmo ee gobolka Bari

SAWIRRO-Wasiir ku xigeenka Maaliyadda XFS oo kumanaan qof kula ciiday Degmada Carmo ee gobolka Bari

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In