Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka XDS oo Al-shabab kala wareegay deegaano ka tirsan Gedo

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Xooga Dalka ayaa la wareegay gacan ku heynta Degmada Aadan Yabaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xooga dalka iyo kuwa maamulka jubbaland ayaa goordhaw la wareegay deeganada Juungal iyo Jali Xareed oo qiyaastii 40km u jirta degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ee koofur galbeed Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ciidanka xooga dalka ay hadda gacanta ku hayaan deegaanada ay kala wareegeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Related posts

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026

Deeganada ay la wareegeen ciidamada xooga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa horay waxaa ugu sugnaa kooxda maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo dhibaatooyin badan ku hayay shacabka ku dhaqan deegaanadaasi.

Maamulka Jubbaland ayaa horay wacad ugu maray in ay ka sifeyn doonaan deegaanadooda maleeshiyada Al-shabaab ayagoo kaashanaya ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Mudooyinkan dambe ayaa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kamandooska waxaa ay fulinayeen howlgalo lagu bartilmaameedsanayo horjoogiyaasha iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoo weerarkii u dambeeyay lagu qaaday deegaanka Beerxaano oo ka tirsan gobolka Jubada hoose halkaas oo lagu diley horjoogiyaal Al-shabaab ahaa.

Previous Post

Baarlamaanka oo ansixiyay sharciyo uu kamid yahay kan axsaabta siyaasadda dalka

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In