Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska, ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka sameeyay inta u dhexeeysa degaanka Shaataloow iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Howlgalka inta uu socday ayay ciidanka waxeey jab xoogan gaarsiiyeen maleeshiyaadki Khawaarijta ee dhuumaaleeysanayay halkaas.
Ciidamadda ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha Qeybta 43aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Gashaanle sare Cabdirashiid Maxamed Cismaan, Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Gobolka Gedo, Gashaanle dhaxe Aadan Siyaad Cabdi, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Gobolka, Gashaanle sare are Xuseen Cali Xaashi Giif.
Sidookale Ciidamadda, ayaa hormar balaaran ka sameeyay dagaalka ay la galeen Khawaarijta waxayna cagtamariyeen fariisimo ay lahayeen kooxda argagixisada ee halkaasi ku dhuumaaleeysanayay oo uu gaaray gaaray khasaaro xoogan.