Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xooga Dalka oo Burburiyay Saldhig ay Kooxda Daacish Ka samaysatay Dalka “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xooga Dalka oo Burburiyay Saldhig ay Kooxda Daacish Ka samaysatay Dalka “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo caawa la soo gaarsiiyay Warbaahinta Qaranka ayaa lagu Yiri, Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska XDS ayaa burburiyay Shabakad ka tirsan Kooxda daacish oo tababar ku qaadanayay Deegaanka Jannaale oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

Warka Qoraalka ayaa lagu yiri “Ciidamada oo ku gudajira howlgallada joogtada ah ayaa weerar la qorsheeyay ku qaaday Mucaskar ay tababar ku qaadanayeen koox ka tirsan Daacish, halkaasna lagu dilay 12 ka tirsan kooxdaasi oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kadib markii ay iskacaabin kala hor yimid ciidamada howlgalka sammeynayay”

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warkan qoraalka ah sidoo kale ku sheegay in gacanta lagu dhigay tiro Maxaabiis ah oo ka tirsan Kooxda ku sugneyd Mucaskarka la burburriyay, kuwaas oo qaarkood laga Daweynayo daawacyo ka soo gaaray inta uu Howlgalku Socday.

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Todobaadkan la qaaday howlgallo qorsheysan oo lagu wiiqayo Qorshayaal argagixiso oo ay diyaarinayeen Kooxda Al-shabaab.

Horjooyaasha Sare Ee kooxda Al-shabaab ayaa ku kala Qeybsamay qorshe ay wadeen qaar kamid ah horjoogayaashooda oo soo jeediyay in kooxda ay qaadato Magaca Daacish, taas oo dhalisay in ay ku kala qeysamaan dhexdoodana uu ka billoowday Shirqool iyo Cidaawad ay isku qaadeen dhexdooda.
daacish saldhig laga burburiyay (1)

daacish saldhig laga burburiyay (2)

daacish saldhig laga burburiyay (3)

daacish saldhig laga burburiyay (4)

daacish saldhig laga burburiyay (5)

Previous Post

Barlamaanka oo ka dooday hannaanka doorasho ee dalka 2016-ka

Next Post

Baarlamaanka oo markale ka doodaya hannaanka doorasho ee 2016-ka

Next Post
Baarlamaanka oo markale ka doodaya hannaanka doorasho ee 2016-ka

Baarlamaanka oo markale ka doodaya hannaanka doorasho ee 2016-ka

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In