Madaxa hogaanka caafimaadka ee xooga dalka ayaa maanta xariga ka jaray
isbitaal loogu talo galay in lagu daryeelo ciidamada xooga dalka
qaybta gobolka Hiiraan iyagoona kormeeray qeybaha u ka kooban yahay
isbitalkan.
Munaasabad kooban oo ka dhacday taliska ciidamada gobolka ee gobolka
hiiraan oo ku aadan xarig jarka ayaa waxaa kasoo qayb galay
saraakiisha ciidamada amisom.
Taliyaha Ciidamada xooga qeybta gobolka hiiraan Jeneraal Tawane Axmed
Gurey ayaa sheegay in dhismaha isbitaalkan ay iska kashadeen
ciidamada meleriga gobolka iyo kuwa jabuuti oo kamid ah howlgalka
AMISOM.
Taliyaha Ciidamada xooga qeybta gobolka hiiraan Jeneraal
Tawane Axmed Gurey ayaa yiri “manta farxad ayay inoo tahay in aan u
xafladayno isbitalka cusub ee halkaan looga dhisay ciidamada qeybta
21aad waxaa markii hore bilaabay amisom jabuti waxaana dhamaystiray
ciidamada xooga ee gobolka hiiraan”.
Taliyaha qeybta Afraad ee Ciidamada AMISOM kornayl Maxamed Cilmi
habane ayaa sheegay in dhismaha isbtalkaan ay muujinayso in tayada
ciidamada dowlada ay sii kordhayso soona adkaanayso.
Sidoo kale General Liiban xuseen Cismaan Madaxda hogaanka Caafimaadka Ciidamada
xooga dalka ayaa amanaay sida ciidamad dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka
socda dalka jabuuti ay isugu xilqameen dhisida isbitalka maadaamaa
goob caafimaad ay muhiim u tahay ciidamada.isagoona xariga ka jaray.