Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka Xoogga ayaa howlgal sigaar ah uga sameeyay Tuulada Nuunaay oo hoostagta deegaanka Bariire.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14 October, Dhamme Axmed Xasan Siyaad, waxaana uu sheegay in inta uu socday howlgalka ay ku dileen xubno ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab oo gaaraya 16 dagaalame.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgal Ciidamada ay kusoo badbaadiyeen Caruur ay Al-shabaab u tababarayeen Qaraxyada.
Taliyaha ayaa sheegay in Caruurta ay Al-shabaab kasoo furteen ay tiro ahaan Gaarayaan 40 ruux, isagoona xusay in Nabadiidka ay Caruurtaan kasoo Afduubteen Gobollada Dalka.