Ururka 7aad ee Guutada 16-aad ee Ciidanka kumandooska danab ayaa hawlgal ka sameeyey degaan ka mida gobolka shabeelaha dhexe.
Degaanad hawlgalku ka dhacay ayaa kala ah War ciise, Maja badan, Qor dhere, Bulo gannay, ka dheeray, kulan oo Dhamantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Taliyaha ururka 7aad ee Guutada 16aad ee Ciidanka kumandooska danab Dhame Xasan maxamed cisman oo hogaamiyanyey hawlgalka ayaa sheegay in u jeedka hawlgalku u ahaa in Lagu Bur Buriyo Fariisamo Nabad Diidka ku la hayeen deganaakaas kuwaas oo isugu jiray Goob ay maxakamad beneed u ah iyo meel gabaad u ahayd kuna dhibateeyaan dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka shabeelaha dhexe.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa Shacabka Somaliyeed Ka Codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Si Looga guulaysto Nabadiidka .
Hawlgalkan ayaa in uu socday waxa ay nabadiidku isku dayeen iska caabin balse Ciidanka kumandooska danab ayaa cagta mariyey maleeshiyadka qaarna nolosha lagu qabtay iyagoo hubaysan.
Burburintan Xarumahan ayaa alshabaab ku ah dhabar jab wayn madama ay goobahan ka helijireen dhaqaalo farabadan oo ay ka badaan dadka shacabka ah.
Hawlgalkan ay sameyeen ururka 7aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumandooska Danab ayaa qayb ka ah hawlgalada guud ee lagu baacsanayo nabadiidka Naflacaariga maleeshiyadka alshabaab ee ka socda qayb ka mida dalkeena Somaliya.