Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan ku dilay 50 ka tirsan maleeshiyaadka dhagar qabayaasha nabadiidka Al-shabaab, kadib markii ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan farrisima ay Ciidamada ku lahayeen degaanka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in argagixisada jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaalkii halkaasi ka dhacay, islamarkaasna laga dilay 50 dhagar qabe.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii baacsnayaan firxadka maleshiyaadka dagaalka saakay lagu jabiyay.