Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku soo dhiggeen xubno khawaarijta ka tirsanaa 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku soo dhiggeen xubno khawaarijta ka tirsanaa 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgallo ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gobolka Shabeellada hoose.

waxa ay ku soo qabteen xubno ka tirsan khawaarijta, iyagoo soo badbaadiyay gaadiid ay madax furasho u haysteen.

Related posts

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed, oo shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidanku qaflad laba jiho ah kaga yimaaddeen khawaarijta xilli ay ku guda jireen dhaca gaadiidka isticmaala waddada xiriirisa Afgooye iyo Walaweyn, gaar ahaan halka loo yaqaan Doonka.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa intaa raaciyay in ay khawaarijta kasoo badbaadiyeen 20 gaari oo dad shacab ah u rarnaa, kuwaas oo ay u haysteen in ay bixiyaan lacag baad ah.

“Howlgalka barakeysan waxaa sidaas oo kale lagu qabtay dhagar qabayaal, kuwaas oo ay Ciidanka Xoogga dalka ku raad joogeen”

Khawaarijta ayuu sheegay in ay qaarkood ku baxsadeen Gaadiidka Homy-da loo yaqaan kuwaas oo ay Ciidanka sooma jeestayaashu ku raad joogaan.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay markii labaad inay qaadanayso 3,000 oo Macallimiin ah

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo Guul weyn ka gaartay dagaalka khawaarijta ee Digitaalka ah

Next Post
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 

Dowladda Soomaaliya oo Guul weyn ka gaartay dagaalka khawaarijta ee Digitaalka ah

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In