Ciiddamada xoogga dalka ayaa xalay degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay ka fuliyeen howlgal ka dhan maleeshiyada argagixisado Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Cadale, halkaas oo lagu dilay horjeege sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka lagu dilay Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Suubiye, oo katirsan Horjoogayaasha sare ee Al-shabaab, kaasi oo afgarashadu aheed (Toosoow).
Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalka uu sigar ah uga dhacay degaanka Masaajid Cali Gaduud isla markaana laga gaaray hadafkii laga lahaa, sidoo kalena Ciidamada ay howlgallada sii wadi doonaan.
Ciidamada Xoogga dalka ayaa beryahii ugu danbeeyay howlgallo kala duwan ka fulinaayay degaano dhawr ah oo ka tirsan Gobolada dalka, kuwaa oo ay ugu danbeeysay hawlgalladii shalay ka dhacay duleedka Dhuusaareeb, halkaasi oo lagu dilay in ka badan 15 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.