Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal Ka Dhan Ah Maleeshiyada Al-Shabaab Ka Sameeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgal Ka Dhan Ah Maleeshiyada Al-Shabaab Ka Sameeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta Taliska 27-aad ee ka howlgalla deegaannada Hirshabeelle ayaa waxay howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyeen waddada isku xirta Jowhar iyo Balcad iyo deegaanno kale oo dhowr ah.

Howlgalkan oo lagu baacsanayay maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ciidanka Xoogga Dalka waxay ku gaareen deegaano badan oo la tuhunsanaa iney ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyada Al-Shabaab, inkastoo markii dambe ay isaga carareen markii ay ka war heleen in ciidanka Xoogga Dalka ay ku soo wajahan yihiin.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026

Deegaanada ay ciidanka howlgalka ka sameeyeen waxaa ka mid ah Jariirow, Gololeey Moobleen, Dhumaleey, Madax Gisi, Lafa-garen, Saarsaare, Cadiga Moobleen,Buulo mareereey iyo Gumareey oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lug ku soo maray inta badan deegaanadaas,waxaana howlgalkaas hoggaaminayay taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Generaal Axmed Maxamed Calasow “ Tareedisho” waxaana ku wehlinayay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Tareedisho ayaa ciidanka ku bogaadiyay howlgalka ay ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab,Isagoo ujeedka howlgalka ku sheegay sidii argagixisada looga badbaadin lahaa shacabka adeegsanaya wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad oo marar qaar dhibaatooyin kala kulmaya kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Generaal Tareedisho ayaa inta uu howlgalka ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab socday wuxuu kormeer qiimeyn ah ku tegay fariisimaha ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad gaar ahaan deegaanada Raaxooy, Qalimow iyo Garsaale.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kasta heegan ugu jira sidii shacabka Soomaaliyeed kaga badbaadin lahaayeen dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab

Previous Post

Mas’uuliyiintan Ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo Kormeeray Xarunta Dhalashada iyo Sugnaanta “SAWIRRO”

Next Post

Madaxda Wasaaradda Howlaha Guud Oo Dardar Gelineysa Ololaha Isxilqaan Ee Lagu Dhisayo Xarumaha Danta Guud “SAWIRRO”

Next Post
Madaxda Wasaaradda Howlaha Guud Oo Dardar Gelineysa Ololaha Isxilqaan Ee Lagu Dhisayo Xarumaha Danta Guud “SAWIRRO”

Madaxda Wasaaradda Howlaha Guud Oo Dardar Gelineysa Ololaha Isxilqaan Ee Lagu Dhisayo Xarumaha Danta Guud “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

CXDS iyo AUSSOM oo ku dilay Mubaarak 40 ka tirsan khawaarijta 

March 26, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta, oo...

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In