Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga dalka oo Howlgal ku dilay Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga dalka oo Howlgal ku dilay Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ciidamada Militariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa dilay koox malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab kaddib markii ay qaadeen weerar qorsheysnaa.

Taliska qeybta 43-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Qaranka in ay duleedka Baar-sanguuni ka fuliyeen howlgal lagu bartimaameedsanayey malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku joogtey goobtaas, isla markaana weerarka ay ku dileen in ka badan 15 Al-shabaab ah.

Ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa qabsadey Hubkii ay siteen kooxda lagu khaarajiyey howlgalka, kaas oo isugu jira Qoryaha fudud, Rasaas iyo walxaha Qaraxyada laga sameeyo.

Dhinaca kale Horjooge Cali Cabdullaahi Sadiiq oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaan lagu magacaabo Muuse Xaaji oo ka tirsan Jubbada Hoose ayaa isu dhiibay ciidanka Xoogga dalka, horjoogahaas ayaa lagu soo bandhigay deegaanka Baar San-guurni, waxa uu shegay in uu muddo ku fakarsanaa sidii uu uga baxsan lahaa kooxda hororka ah ee Al-shabaab, fursad weynna uu u arko in uu gacanta dowladda soo galay.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laba jibaaray howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka, toddobaadkii hore degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa dhaawac culus loogu geystay Dhagar-qabe horjooge Bashiir Qoor-gaab kaddib howlgalkii ay ciidanka amniga Soomaaliya ugu magac dareen haddiyadda xorriyadda.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo ku bogaadiyey bulshada Gobolka kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda+Sawirro

Next Post

Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya oo si weyn looga xusay Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post
Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya oo si weyn looga xusay Mareykanka “SAWIRRO”

Todobaadka Xoriyadda Soomaaliya oo si weyn looga xusay Mareykanka "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In